Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay degmada Ceelbardee ee Gobolka Bakool oo maalin ka hor la wareegeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin

Talaado, April 20, 2010 (HOL) Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, halkaasoo ay shalay la wareegtay gacan ku haynteeda Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Magaalada Ceelbarde ayaa lagu arkay saakay ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan, kuwaasoo kasoo tallaabay xuduudda ay wadaagaaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Ciidamadan waxay tageen degmada Ceelbarde iyagoo uga sii gudbay degmada Xudur ee Gobolka Bakool" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego sababo la xiriira xasaasiyadda ay arrintan leedahay.

Xarrakatul Shabaab ayaa ciidamadeeda kala baxday degmadaas, kaddib markii xalay oo dhan ay iyagu gacanta ku hayeen degmada, lamana yaqaan halka ay aadeen, waxaana daggan xaaladda degmada.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelbarde ayaa u xaqiijiyay HOL in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 30-gaari oo isugu jira kuwa ciidanka qaada iyo kuwo ay ku rakiban yihiin hubka culus ay ku sugan yihiin degmadooda.

Balse Guddoomiyaha Degmada Ceelbarde Ibraahim Cumar Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha degmada ayna tahay taasi been.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya