Isniin, 12, April, 2010 (HOL) Inta la og-yahay labo Askari oo ka tisan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ayaa galabta ku dhimatay weeraro loo adeegsaday Qaraxyo is xig xigay oo galabta lalal eegtay Ciidamo ka tiran kuwa Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kaa oo ka dhacay Ilinka hore ee Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar Jajab, waxaana sidoo kale weerarka ku geeriyooday labo ruux oo rayid ah halka shan kale oo ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee goobta ka agdhawaa ay ku dhaawacmeen,
Ciidamada weerarka lagu qaaday oo waqtigaa lugeynayay Afafka hore ee Iskuul Buluusiyo ayaa waxaa markiiba sheegtay Mas'uuliyada weerarka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee dagaallka kula jirra Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ka socda Midowgga Africa.
Mas'uuliyiinta Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Qaraxyadaasi ku dileen tirro ka mid ah Ciidamada ANMISOM oo sida ay sheegeen uu ku jirro Sarkaal sare, walow aan la sheegin Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ka tirsan oo Qarayadaasi wax yeello ka soo gaartay.
Marka leysugu geeyo tirada dadkii ku dhintay Qaraxyada iyo Madaafiic maanta ku dhacday qeybo ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 20 halka in ka badan 50 ruuxna ay ku dhaawacmeen.
Madaxa gadiidka gurmadka deg deg ah oo lagu magacaabo Cali Muuse Shiikh ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawac ilaa 50 ruux oo sida uu sheegay isugu jirray Caruur, Haween Dhalinyarro dad Waayeel ah.
Meelaha ugu daran ee Madaafiicdu ku dhacday ayaa waxa ka mid ahaa degmooyinka Howl-wadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid, Hiliwaa, inkastoo aysan jirin wax dagaallo ah oo si toos ah u dhaxmaray dhinacyada iska soo horjeeda,
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in wali ilaa Caawa Fiidkii laga maqlayay Madaafiic qeybo ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in Qaraxyadan iyo Duqeymahan oo dhan ku soo beegmayaa kadib markii maanta loo dabaal dagay Munaasabada Xuska 50-guuradii ka soo wareegtay Aas aaskii Ciidamada Xoogagga Dalka Soomaaliyeed
Max'ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.