SHEEKH XASAN DAAHIR: "Waxaa loo baahan yahay in qofkii xil loo dhiibo uu noqdo mid caadi ah oo aan dadka ka qaadan lacago laaluush ah"

Isniin, Apirl 12, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose Axadii shalay, taasoo lagu magacaabay maamulka cusub ee degadaas.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu sheegay in looga baahan yahay xubnaha cusub ee maamulka loo dhiibay inay si daacad ah ay ugu shaqeeyaan Bulshada degmada ku nool, isagoo sidoo kale ka dalbaday shacabka inay maamulka la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye ayaa lagu Magacabaan Sheekh C/kariim Muuse Xasan, waxaana xilkaas laga qaaday Sheekh Maxmaed C/raxmaan, iyadoo mas'uulkii hore uu soo dhaweeyay magacaabidda mas'uulka cusub.

"Waxaa looga baahan yahay qofkii xil loo dhiibo inuu nopqdo mid caadil ah oo dadka ugu shaqeeya si siman, isla markaana aan ka qaadan laaluush" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in laaluushka uu dhibaato ku yahay nafsadda qofka qaata.

Sheekh C/kariim oo ah guddoomiyaha cusub ee maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay inuu si daacad ah ugu shaqeyn doono dadka ku nool degmada isagoo xusay inaysan jiri doonin wax isdabamarin.

"Aniga ayaa la ii keenay warqado aad moodayso inay yihiin kuwo sax ah, markaan u geeyay qolyihii shaqada ku lahaana waxaa naloo sheegay inay yihiin kuwo aan jirin oo been abuur ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inuu uga digayo xubnaha maamulka cusub in sidaas oo kale loo qaldo.

Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay in Degmada Afgooye ay ku yaallaan beero ayna dhacayso in qof doonaya inuu si tuugonimo ah ku qaato beer uu laaluush u sheego maamulka, isagoo ugu baaqay inay iska diidaan oo ay xigsadaan cadaaladda.

"Qofkii laaluush qaata wuxuu Alle agtiisa kala kulmayaa ciqaab adag, innaguna waan la xisaabtamaynaa" ayuu si kooban u yiri Sheekh Xasan Daahir oo sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed lagu baleeyay been-abuur oo aysan cillad kale lahayn meel walba oo ay adduunka ka joogaan.

Maamulka Degmada Afgooye ayaan la sheegin sababta keentay in isbadal lagu sameeyo, iyadoo degmadaas ay ka mid tahay degmooyinka ay ka jiraan maamullada hoos imaanaya Ururka Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho - Soomaaliya