Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo ku jahwareer dhageysiga Idaacada BBC-da kadib markii la wayay Muujadii FM-ka ee laga dhageysan jiray Idaacada.

Isniin 12, April 2010 (HOL) Kadib markii dhawaan Amar ay soo saareen Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab lagu mamanuucay in Muujadda FM-ka laga dhageysto Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da ayaa dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyn waxaa ay si weyn ugu jahwareereen dhageysiga iyo maqalka Idaacadaha BBC-da oo ah Idaacada loogu dhageysiga badan yahay Idaacadaha ku hadala Afka Soomaliga.

Waxaa la waayay Muujiadii FM-ka oo 24 saac aheyd mid hawada isaga jirrta islamarkaana dadka u sahli jirrtay in si dhab yar oo aan leex leexad laheyn uga dhageystaan Idaacada BBc-da walba maqalkeeduna ahaa mid aad fasiix u ah, laakiin hadda Muujadaasi meesha ayeey ka baxday dad badana waxaa ay u muuqdaan kuwo xiiso badan aan u qabin in ay ka raadiyaan BBC-da Muujadaha Shortiga oo ah kuwa aad u dhibadan maqalahaana hoosaya.

Dadka joojinta Muujada FM-ka in laga dhageysto BBC-da sida weyn uga xumaaday ayaa waxaa ka mid ah dadkii adeegsan jiray Mopelka gacanta lagu qaado oo marka la gaarro waqtiga ay hawada soo galeyso BBC-da si dhib yar u saaran jirray iyaga oo socda ama xitaa jooga goobahooda ganacsiga, waxaana sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyn Mopelku noqoday mid aan wax tar u laheyn maadaama sababta uu markii horeba u iibsaday aheyn in uu kala socdo Idaacadaha BBC-da.

Ma aha wax sahlan qofka u bartay dhageysiga Muujada FM-ka in uu si dhab yar uga dhageysto BBC-da Muujadaha Shortiga, maadama ay ku garab furan yihiin Idaacado kale oo mar marka qaar hoos u dhigay Maqalka Laanta Afka Soomaaliga, taasoo dadka qaarkii ku qasbeysa in ay iskaba dhaafaan dhageysigeeda.
Dhinaca kale Idaacada lagu magacaabo Idaacada Codka Hiiraan oo ku shaqeysan Muujada FM-ka kana howlgasha Magaalada Beledweyn ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay baahin Wararkii lagu yaqiinay gaar ahaan Warka Idaacada Horn Afirc oo si toos ah Magaalada Beledweyn looga dhageysan jiray, waxaana taa badalkeeda hadda Idaacadu tahay mid ku mashquulsan sii deynta Darisyo Diini, waxaana mar hore laga mamnuucay Idaacada in ay sii deyso Heesaha iyo Muusiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya