MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Ciidamada Qalabka sida waxaa saaran mas'uuliyad weyn, waxaana looga baahan yahay inay kasoo baxaan"

Isniin, April 12, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay xafladdii lagu maamuusayay Sannadguuradii 50-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Milateriga Soomaaliya oo lagu qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in ciidamadu ay u taagan yihiin badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Ciidamada Qalabka sida waxaa saaran mas'uuliyad weyn oo laga doonayo inay kasoo baxaan taasoo ah inay dalka ka badbaadiyaan dagaalyahanno shisheeye ah oo kusoo duulay, kuwaasoo la safan kooxaha Dowladda kasoo horjeeda" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, Prof. Dalxa oo ka socday Baarlamaanka, Taliyaha Ciidamada Xoogga Gen. Max'ed Geelle Kaahiye, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Ammaanka C/llaahi Sanbololshe.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu hambalyo uu u diray ciidanka Qalabka sida kaddib uu sheegay in looga baahan yahay inay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah isagoo sheegay inay sugayaan howlo adag oo ay ka mid yihiin inay dalka ka dhigaan nabad.

"Waxaan ballanqaadaynaa in ciidamada aan bixinayno mushaarkooda, sidoo kalena aan siinayno tababarro kor loogu qaadayo xirfadahooda ciidannimo, balse looga baahan yahay inay muujiyaan wadaniyad" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Gen. Maxamed Geelle Kaahiye oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida ay yihiin kuwo u tagaan sidii ay dalka uga saari lahaayeen dhibaatada uu ku jiro.

"Ciidamada Dowladda waa la dhameystiray waxayna diyaar u yihiin inay awood kula wareegaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha mucaaradka ah, waxaana u ballan-qaadaynaa shacabka in dhawaan ay Dowladdu la wareegi doonto dalka oo dhan" ayuu yiri Gen. Kaahiye.

Hoolka lagu qabtay xafladda ayaa waxaa heeso iyo ruwaayado ka tarjumaya awooddii ciidanka xooggan dalka iyo sida ay hadda yihiin kusoo bandhigay kooxda Heegan ee ciidnka xoogga dalka Soomaaliyeed.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya