Sanad Guuradii 50-aad ee ka soo Wareegatay Asaaskii Ciidamada Xooga Somaliya oo Maanta laga Xusay Garowe

Isniin ,April 12,2010(HOL)- Waxaa Meelo ka mid ah Puntland Maanta laga xusay Sanad Guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay Asaaskii Ciidamadii xooga Dalka Somaliya.

Munaasabad Maalintan lagu xusayo ayaa lagu qabtay xerada 54-aad ee magaalada Garowe,Waxaana ka soo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Saaraakiisha Ciidamada  Puntland  iyo qaybaha kala duwan ee Laamaha Dawlada.

Ciidamadan ayaa socod ku soo maray xerada dhexdeeda,iyaga oo ay horkacayaan Kooxda Baambayda Garaacda ,Waxaana halkaa salaan ku gudoomay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland General Dayr oo Munaasabadaa khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in ay Muhiim tahay Xuska maalintan oo ku wayn umada Somaaliyeed.

Waxaa kaloo uu Sheegay Taliyaha in waajib saaran ay tahay qofkasta oo Somaali ah in Maalinta Xooga Ciidanka Soomaaliyeed uu Xuso ,isagoo Soo hadal qaaday Halgamayaashii SYL.

1960-kii ayaa Mrkii ugu horeysay la sameeyey Cidamada xooga dalka Soomaaliyeed,xiligaasi oo ay Somaliya xornamadii ka qaadatay Gumaystayaasha dalka haystay,Waxaana taliyihii ugu horeeyay noqday Jen. Daa'uud Cabdile Xirsi

Maamulka Puntland ayaa inta badan laga xusaaa Munaasbadaha noocaan oo kale ah ,Waxaana ka qayb gala qaybaha kala duwan ee madaxda Maamulka si loo Xasuustii Waayihii dalka uu soo maray.

Faisel Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya