Isniin, Apirl 12, 2009 (HOL) Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa la sheegay inay iibsadeen hub culus oo ay kula dagaalamaan ilaalada gaarka ah ee la socda Maraakiibta iyo doomaha mara Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadan.
Qorshan cusub ayaa la sheegay inuu mid cusub oo ay kooxaha Burcadbadeedda ah ku xoojinayaan howlahooda afduubka Maraakiibta, iyadoo niyad-jab ku ah dalalka wada howlaha lagu dagaalamayo burcadbadeedda Soomaaliya.
Madaxa Ururka Badaha dalka Spain Vicente de la Cruz oo u warramayay wargeys lagu magacaabo Europa Press ayaa sheegay in tani ay tahay qorshe cusub oo khatar gelin kara Doomaha Kalluumeysiga iyo Maraakiibta xamuulka ee mara Badweynta Hindiya.
Mas'uulkan wuxuu sheegay in hubka cusub ee ay kooxaha burcadbadeedda ah gateen lagu magacaabo KPV 14.5, kaasoo uu sheegay in laga heli karo suuqyada madow ee hubka Soomaaliya, kaasoo lagu farsameeyo dalka Ruushka.
"Hubkan wuxuu u sahlayaa kooxaha burcadbadeedda ah inay weerarro ku qaadaan Maraakiib maraya meel aad uga for xeebaha Soomaaliya iyagoo meel fogna ka toogan kara markabka, sidoo kelana wuxuu khatar hubkan ku yahay doomaha Kalluumeysiga ee ku dhawaada xeebaha" ayuu yiri Del La Cruz.
Sidoo kale Vicente de la Cruz wuxuu sheegay inaysan shaki ku jirin in kooxaha burcadbadeedda ah ay sii wadan karaan weerarada ay ku afduubanayaan Maraakiibta, wuxuuna ugu baaqay dalalka Midowga Yurub inay tallaabo ka qaataan arrintaas.
Dalka Spain ayaa u soo dira inta badan badaha Afrika doomo kalluumeysi oo si aan sharci ahayn uga gurta kalluunka, wuxuuna mas'uulkan u hadlay Spain uu sheegay inay socdaan wadahadallo ay Jasiiradda Seychelles uga dalbanayaan inay xeebahooda u dirsadaan doomo Kalluumeysi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya