Madaafiic ku dhacday xaafado ka tisran Degmada Howlwadaag oo sababtay dhimasho iyo dhaawac gaartay caruur yaryar

Isniin, April 12, 2010 (HOL) Ugu yaraan hal cunug ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen madaafiic maanta ku dhacay degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay jawaab u ahaayeen Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyda.

Cunugga dhintay iyo afarta dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen walaalo, kuwaasoo ku ciyaarayay marka uu madfacu kusoo dhacayay agagaarka gurigooda, waxaana dhaawacyada afarta cunug oo la sheegay inay qaarkood halis yihiin la geeyay Isbitaalka Madiina.

"Dhowr madfac ayaa mar qura kusoo dhacay xaafadda waxay geysteen khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, waxaana laga soo tuuray Madaxtooyada" ayay tiri haweeney daris lahayd qoyska ay caruurtoodu waxyeellada gaartay.

Madaafiicda ku dhacay Xaafadda Holwadaag ayaa ahaa kuwo xiriir ah iyadoo aanay jirin cid kale oo wax ku noqotay, waxaana duqeymaha noocan oo kale ah ay kasoo gaartaa khasaaraha ugu badan dadka shacabka ah.

Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda ayaan weli ka hadlin duqeynta, iyo weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Madaxtooyada xilli ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay sannadguuraydii 50-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya