Isniin, April 12, 2010 (HOL) In ka badan 50-xildhibaan oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay qabsoomidda kulanka baarlamaanka iyo ammaankooda iyagoo sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ilaaliyaan oo keliya saddex mas'uul ee Dowladda ugu sarreeya.
Xildhibaannadan ayaa waxay sidoo kale sheegeen inay qaadayaan ka qaybgalka kulanka Baarlamaanka ee lagu wado inuu Khamiista oo ay bishan tahay 15-ka ka furmo Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
"Waxaa naga go'an inaan u dooranno shir guddoonka fadhiga ugu horreeya ee baarlamaanku uu yeelanayo maalmahan ninka noogu da'da weyn, waayo xiligii shaqo ee guddoonka hadda jooga wuu dhamaaday" ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo ku hadlay Afka Mudanayaashii shiray.
Mudanuhu wuxuu sheegay in go'aankan uu yahay mid ka go'an isagoo xusay inay aqbalayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu isku soo taago qabsashada xilka guddoonka Baarlamaanka, balse aysan aqbalayn inuu xoog ku haysto xil sharci-darro ah.
"Sharciga dalka u dagsan ayaa xaqiijinaya in waqtigii guddoonka baarlamaanka uu dhammaaday, waxaana horay u qirtay arrintaas Guddoomiyaha Sheekh Aadan Madoobe mar uu la hadlay BBC-da" ayuu yiri Dhuubow marka kale yiri.
Xidhibaan Maxamed Cali oo isaguna ka mid ahaa mudanayaashii kulanka yeeshay ayaa ku eedeeyay ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM inay ilaaliyaan oo keliya madaxda dalka ugu sarreysa aysanna jirin wax iyaga ilaaliya.
Mudanahan wuxuu sheegay in iyagu ay khatar ugu jiraan inay xoogagga Dowladda kasoo horjeeda toogtaan, kuwaasoo uu sheegay inaysan tegi karin oo keliya guryaha ay daggan yihiin Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya