Isniiin, 12 April 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Guddida Doorashada dalka Ghana Dr. Kwadwo Afari-gyan, ayaa booqasho qaadanaysa muddo toddobaad ah ku yimi Somaliland.
Dr. Kwadgo Afri-gyan iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay ka soo degay Garonka Diyaaradaha ee magaaada Berbera, halkaas oo ay kaga hortegeen, isla markaana ku soo dhaweeyeen xubnaha Guddida Doorashada oo uu horkacayo guddoomiyaha Guddida Doorashada Somaliland Ciise Yuusuf, ayaa dalka soo gaadhay ka dib markii ay Guddida Doorashada Somaliland marti-qaad u fidiyeen.
Qoraal kooban oo uu Guddida Doorashada Somaliland ka soo saaray socdaalka Guddoomiyaha Guddida Doorashada Ghana, ayaa lagu sheegay in uu dalka joogi doono muddo toddoba maalmood ah.
Qoraalkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa ka soo degay madaarka Berbera Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Wadanka Gaana (Ghana), Mudane Afari-Gyn, ninkaas oo ah nin khabiir ku ah doorashooyinku wuxuu waddanka joogi doonaa illaa bishan aynu ku jirno 15-keeda (15/04/10). Waxaana Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland Mudane Ciise Xamari iyo mudanayaal kale oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka qaran Somaliland.”
Waa markii u horraysay ee Dr. Afari-Gyan uu Somaliland booqasho tan la mid ah ku yimaaddo, iyada oo Somaliland la filayo inay ka qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyada oo dhawr jeer oo hore dib u dhacay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.