Uganda oo sheegtay in aanan la af-duuban Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya balse ay Ciidamadeeda Ammaanka xireen

Talaado, October 06, 2009(HOL): Afhayeenka Ciidmada Uganda Lieutenant Colonel Felix Kulayigye ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba ka jirin warar ay shaaciyeen qaar ka mid ah waakaladaha wararka, kaasi oo ahaa in Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Shiikh Yuusuf Indha Cadde laga af-duubtay magaalada Kampala, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ciidamada ammaanka Uganda xireen Wasiiru-Dowlaha.

 

Afahyeenka ayaa intaas ku daray  Wasiiru-Dowlaha ay su’aalo weydiineyso Dowladda Uganda bacdamaa sida  uu yiri uu Uganda u yimid sababo aan ilaa iyo haatan caddeyn.

 

“Waa run gacanteena ayuu ku jiraa. Wuxuu halkan u yimid sababo aanan caddeyn, sidaas darteen ayaan u xulanay in aan qabanno. Halkan (Uganda) iskama imaan kartid adiga oo leh darajo sare oo dowladeed ogeysiin la’aan” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Uganda Lieutenant Colonel Felix Kulayigye oo Reuters u warramay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya