Hay’adda ICRC oo dawo iyo qalab caafimaad oo deg deg ah u dirtay Soomaaliya

Talaado, October 06, 2009(HOL): Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegay in uu kaalmo dawo ah oo deg deg ah ay u diray Soomaaliya, gaar ahaan 6 gobol oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya.

“Dhamaadkii todobaadkii hore Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa labo dhaqtar oo qalliinka qaabilsan waxay u dirtay Magaalada Kismaayo si ay u caawiyaan Isbitaalka magaaladaas oo dhaawacyo faro badan la dhigay” sidaas waxaa sheegay Axmed M. Xasan oo ah Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

“Waxay qaadeen 400kg oo qalab qalliin ah, kaasi oo ay soo dirtay ICRC oo dareentay in qalabkaas qalliinka ah baahi deg deg ah loo qabo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed M. Xasan.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ka dhacay ayaa waxay dhexmareen Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka soo wada horjeeday Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom, waxayna colaadda labada dhinac u dhaxeysa weli ka socotaa deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Warbixin ay soo saartay ICRC ayaa lagu sheegay in Isbitaallo ku yaalla Kismaayo, Mareerey, Dhoobley, Afmadow iyo Jilib ay gaarsiisay dawo iyo qalab kale oo lagu daweynayo ilaa 500 oo ruux oo ah bukaano dhaawacyo kala duwan qaba.

Todobaadkii la soo dhaafay Hay’adda ICRC waxay magaalada Kismaayo u dirtay gaari dawo iyo qalab caafimaad waday, si loogu daboolo baahi ka jirta Isbitaalka Magaaladaas oo ay jiifaan dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya Soomaaliya in ay tixgeliyaan sharciyada caalamiga ah ee bani’aadannimada, isla markaana ay xurmeeyaan nolosha iyo sharafta dadka shacabka ah, dagaallyahannada iyo dadka dhaawaca ah ee la soo qabto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya