Talaado, October 06, 2009(HOL): Waxaa heer gabogabo ah ku dhaw dhismaha Jaamacad lagu wado in dhawaan laga hirgeliyo Goballka Hiiraan taasoo ay iska kaashadeen Aqoonyahanno iyo qurbo-joogta ka soo jeeda Goballka Hiiraan oo dareemay baahida loo qabo in loo helo Goballka Jaamacad qeyb ka qaadatay dhameystirka Waxbarashada Ardeyda soo dhameysta dugsiyada sare ee Goballka.
Haddaba waxaa booqday dhismaha Jaamacada Hiran University (HU) Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku soo wareegay dhamaan qeybaha Jaamcadu ka kooban tahay gaar ahaan qeybaha hadda ku dhaw gabo gabada, sida Fasallada loogu talagalay in ay Ardeydu wax ku barato, Qeybta loogu talagalay Barashada Computer-ka, Maktabadda Jaamcadda, iyo dhamaan dhismaha Jaamcadda.
Wakiilka Jaamcadda ee Goballka Hiiraan Dr. Ibraahim Cali Saney oo warbixin kooban siinayay Ugaaska ayaa ka waramayay heerarkii kala duwanaa ee Jaamacaddu soo martay tan iyo waqtigii la bilaabay dhismaheeda, waxaana uu sheegay Ibraahim Cali Saney in dadaal badan kaddib hadda Jaamacaddu ku dhawaatay heer gabogabo ah, inkastoo haddana ay jiraan ayuu yiri qeybo badan oo ka mid ah Jaamacadda oo u baahan in laga sii shaqeeyo.
Sidoo kale Dr, Ibraahim Cali Saney waxaa uu halkaas ku soo bandhigay qaabka ama Nashqada Jaamacada loogu tala galay in Jaamacaddu u dhisanto taasoo uu si weyn u soo dhaweeyay Ugaasku.
Ugaas C/raxmaan ayaa ugu deeqay Jaamacada Dhir kala duwan oo qaarkood uu gacantiisa ku talaalay ama beeray, waxaana uu u mahad celiyay Ugaaska dhamaan dadkii gacanta ka geystay dhismaha Jaamacadda oo ah ayuu yiri Isha uga sarreysa marka laga hadlayo laamaha Waxabarashada, isaga oo ku booriyay dadkii gacanta ku lahaa Jaamacada dhismaheeda in ay sii wadaan taageeradooda la xiriirta dhameystirka Jaamacadda.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu soo arkay dhimo laga wado Masjidka dhexe ee Magaalada Beledweyne kaa oo la filayo in laga dhiso Masjid ka kooban Labo ilaa Sadax dabaq, isaga oo halkaa mahad celin ugu jeediyay Shaqaalaha iyo waliba ciddii ganacta ka geysatay, waxaana uu u rajeeyay in Ilaah dadaalkooda ka siiyo Ajar iyo Xasanaad dheeraad ah.
Haddii dhab ahaan la dhameystiro dhimaha Jaamcadda Goballka Hiiraan waxaa hubaal ah in ay ka faa'ideysan doonaan Ardeyda soo dhameysta dugsiyada sare ee Goballka kuwaasi oo hadda marka ay ka soo dhameystaan Waxbarashadooda sare u kala baqoola Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, iyo waliba wadamada ay ka midka yihiin Yaman, Hindiya, Masar, iyo waliba qaar kale inta markaas dhaqaaluhu u ogolaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]