Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo lagu af-duubtay Magaalada Kampala

Talaado, October 06, 2009(HOL): Wakaaladaha Wararka reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ugu afka dheer ayaa shaaciyay in magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu af-duubtay Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo halkaas booqasho ku joogay.

Wasiiru-Dowlaha ayaa la sheegay in la af-duubtay isagoo ka soo baxay Masjid ku yaalla magaalada Kampala ee dalka Uganda. Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay Wasiiru-dowlaha qafaasheen ilaa iyo haatanna wax war ah lagama hayo halkii ay kooxahaas la aadeen.

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde ayaa dhawaan ku soo biiray Dowladda Soomaaliya, wuxuuna intii uusan ku soo biirin ka tirsanaan jiray Ururka Xisbul Islaam oo haatan si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Wixii war ah ee ku soo kordha af-duubka Kampala loogu geystay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde kala soco halkan  haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya