Dowladaha Soomaaliya iyo Spain oo ka wada hadlay sidii loo sii deyn lahaa Doon Spain laga leeyahay oo lagu heysto Soomaaliya

Talaado, October 06, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashidi Cali Sharma-arke ayaa ballanqaaday in uu gacan ka geysan doono sidii loo sii deyn lahaa Doon Spain laga leeyahay oo Alakrana lagu magacaabo taasi oo  ay kooxo burcad badeed ah ku heystaan Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Muguel Angel Moratinos oo taleefoon kula xiriiray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa wuxuu kala hadlay Ra’iisal Wasaaraha sidii doontaas iyo shaqaalaha loo sii deyn lahaa.

Safiirka Spain u fadhiya Nairobi ayaa isna arrinta sii deynta doontaas waxaa uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo Nairobi ku sugan.

Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo qaarkood ay ahaayeen kalluumeysato hore ah oo ka careysan maraakiibta iyo doomaha ka kalluumeysta xeebaha Soomaaliya ayaa waxay qafaashaan maraakiibta iyo doomaha ay u arkaan in ay lacago madax furasho ah ku helayaan, waxayna sidaas ku helaan lacag malaayiin dollar ah oo madax furasho ah.

Markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Spian oo ka mid ah Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu shalay qabtay labo burcad badeed ah oo u socday dhinaca berriga, waxaana laga helay doon ay labadaas nin lagu helay dembi ah burcadnimo hubeysan.

Xaakim Spain u dhashay oo lagu magacaabo Baltasar Garzon ayaa ammar ku bixiyay in labadaas nin la geeyo Spain si maxkamad loo soo taago. Bishii May ee sanadkan ayay ahayd markii Koox Burcad Badeed ah oo ay Ciidamada Spain qabteen  la isku dayay in Spain lagu maxkamadeeyo balse ugu dambeyntii ciidamad Spain waxay Burcad Badeeddaas ku wareejisay Dowladda Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya