Hay’adda UNHCR oo walaac ka muujisay dad badan oo ku soo qaxay Magaalada Gaalkacyo

Talaado, October 06, 2009(HOL): Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta warbixin ay ka soo saartay Haya'ada Qarmada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR waxaa ay ay si weyn waalaac ballaaran uga muujiysay dadka soo barakacayaasha ah ee ka imaanaya Koofurta Soomaaliya, kuwaas oo ku soo qulqulaya gobolkaasi.

Haya'adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in aysan xiligan u helayn wax ay ku caawiso dadkaasi ha ahaadaan Bustayaal,Baco, Raashin iyo Daryeelka Cafimaadka ee ay u baahan yihiin.

Waxa kaloo ay haya'addu sheegaysaa in aan loo hayn baro cusub oo la dajiyo dadkan, maadaama ayay haya'du tiri ay iminka buuxdhaaftay xerada Mergaga oo ay iminka ku jiraan qaxooti gaaraya ilaa 1145 qof oo qoys oo u baahan taageero caalami ah oo ay ka helaan beesha caalamka si wax looga qabto baahidooda bani'aadantinimo.

UNHCR waxa kaloo ay sheegtay in ay bilihii ugu horreeyay ee sanaddan wax weyn ka qabatay arrimaha gobolka,laakiin aysan jirin taageero la taaban karo oo ay xiligaasi u fidisay dadka soo barakacayaasha ah ee ku sugan xeryaha ku yaalla nawaaxiga magaalada Gaalkacyo ee ay iminka ku dacdaraysan yihiin maato faro badan oo ka yimid dhulka ay dagaalladu la hareen ee Koonfurta Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horraysay ee laga soo dayriyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka soo barakacaaysha ah ee ku tabaalaysan gobolka Mudug xaruntiisa Gaalkacayo, halkaas oo noqotay xarun ay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah oo isaga kala  yimid galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya