Talaado, October 06, 2009(HOL): Waxaa arintan qaabkii wax looga qaban lahaa isagu xoogga saarayay maalmahan oo dhan gudoomiyaha gobolka Bari Al-Xaaji Muuse Geele Faroole oo sheegay in ay iminka wax wayn ka qabateen dhanka ammaanka oo si wayn la isugu halayn karo, laakiin sheegay in loo bahan yahay wax ka qabashada nadaafadda magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta arimaha bulshada iyo golaha deegaanka magaaladaasi kala taliyay qaabkii ay ku horumarin lahaayeen nadaafadda deegaanka.
Waxaa la arkayay maalmahan dar dar xooggan oo uu la soo baxay gudoomiyihu, taas oo la isdhihi karo waxa ay qeyb ka tahay howlaha ay ku muujinayaan waxqabadkooda masuuliyiinta gobolka Bari xafiisyada ay uga furan yihiin ee ka midka ah dowladda Puntland oo ay iminka xarunteedu tahay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Ma ahan markii ugu horraysay ee uu guddoomiyuhu kulan la qaato golaha deegaanka iyo qaar ka mid ah iyo bulshada deegaanka, waxanaa bishiiba mar uu kulan la yeeshaa dhinacyadaas oo uu kala hadlo waxyaabaha soo kordhay iyo sidii si wayn looga shaqeyn lahaa ammaanka iyo sare u qaadida shaqooyinka gobolka.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya