| Shiikh Xasan Daahir Aweys |
“Waxaan ugu baaqayaa Walaalaha Shabaabul Mujaahidiin oo aan isleeyahay dagaalka iyaga ayaa wada in ay dagaalkaas naga joojiyaan, haddii ay wax tirsanayaanna ay suurtageliyaan in la wada hadlo”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in dagaalkaas uu yahay mid fidno ah oo aan bannaaneyn.
Waraysiga
Shiikh Xasan Daahir oo xaqiijiyay in Axmed Shiikh Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ka tirsan yahay Xisbul Islaam ayaa sheegay haddii Shabaabul Mujaahidiin ay wax ka tabanayaan Xisbul Islaam ama Axmed Madoobe arrintaas laga wada hadlo, shareecada Islaamkana loo bandhigo.
Mar la weydiiyay Shiikh Xasan Daahir cidda gacan ku heynta Kismaayo ay gaar u tahay ayaa wuxuu sheegay in Magaaladaas Kismaayo uu ku wada baxay dhiigga sida uu u yiri Dadka Muslimiinta ah, ayna isla joogeen islana maamulayeen, wuxuuna caddeeyay in in loo baahan yahay in laga wada hadlo waxyaabihii la isku qabtay.
“Waxaan rabaa in caadifadda aysan caqliga iyo diinta ka xoog badnaanin, marka aad iyo aad ayaan u jeclaan lahaa in dagaalkaas ay joojiso Xarakada Al-Shabaab”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir oo carrabka ku dhuftay in ay si weyn u rabi lahaayeen in ay isu soo joogsadaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, ayna xal ka gaaraan dagaalka Jubbada Hoose ku dhexmaray labada dhinac.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya