Madaxweyne Shiikh Shariif oo Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka ka sheegay in xalka Soomaaliya uu sahlan yahay haddii beesha caalamka garab istaagto Soomaaliya


Talaado, October 06, 2009(HOL): “Xalinta dhibaatada ka taagsan Soomaaliya mudada 20-ka sano ah waa ay sahlan tahay, waxayse u baahan tahay go’aan dhab ah oo laga qaato”sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo 300 oo marti ah kula la hadlayay InterContinental Hotel, 505 N. Michigan Ave. kulankaas ayaa waxaa wadajir u soo qaban qaabiyay Machadka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga iyo Golaha Arrimaha Caalamiga ah ee Chicago.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in haddii laga fekero xalka dhibaatada Soomaaliya in xal la gaari doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii la xoojiyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka Soomaaliya, isla markaana la soo celiyo adeegyadii bulshada la heli doono furaha xalka Soomaaliya.

“Waxaan rumeysanahay in tallaabooyinka lagu xalinayo Arrimaha Soomaaliya aysan ahayn kuwo dhib badan, waxayna u baahan yihiin kaliya in door geesinimo ah lagu wajaho”ayuu mar kale yiri Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay soo mareen dhibaato ku filan, haatanna ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyaba ay aad u daneynayaan in xal loo heli mushkiladda Soomaaliya.

Mar la weydiiyay Madaxweyne Shiikh Shariif sababta uu u rumeysan yahay in Dowladdiisa ay ku guuleysan karto xal u helidda mushkiladda Soomaaliya halka ay dowlado ka horreeyay ku guul-darreysteen ayaa wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka soo baxday dib u heshiisiin, isla markaana ay qaadayaan tallaabooyin ay nabaddii Soomaaliya ku soo celinayaan iyagoo la kaashanaya beesha Caalamka. Wuxuu sheegay in aan dhibaatada xal loo heli doonin iyadoo aan wax kaalmo ah laga helin beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu booqan doonaa Gobolka Ohio, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, waxaana la filayaa in booqashada Ohio kaddib uu dib ugu soo laabto Dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ma lahayn wax dowlad ah oo sharcigii iyo kala dambeyntii soo celiya  tan iyo sanadkii 1991-kii xiligaas oo ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna dalka Soomaaliya muddo 20 sano ah  yahay mid ay dadkiisa colaado iyo abaaro u dhamaadeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya