Hotelka Paradise oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cabdullaahi Nuur Guuleed, ayaa waxa wareysi uu siiyay BBC uu ku sheegay in hotelkiisa oo ay ka shaqeynayeen 280 qof uu gabi ahaan burburay.
Milkiilaha hotelkaasi waxa uu ku sheegay qiimaha hotelka lacag dhan 10 milyan oo dollar.
Lama oga waxa sababay dabka hotelka baabi'iyay, iyadoo sidoo kalena uu gubay dabkaasi hotel kale oo ku dhawaa Paradise Hotel, oo isna uu lahaa nin kale oo Soomaali ah.
Hotelka oo la dhisay sanadkii 1997, ayaa waxa uu ku yaalay magaalada Bagamoyo oo ah meel taariikhi ah, oo xilligii adoonsiga dadka laga dhoofin jiray, waxaana magaalada Dara Salaam uu u jiraa 60KM.
Xigasho: BBC Somali, Mar 23, 2009
