Isniin, March 23, 2009(HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beleweyne C/raxmaan Cilimi Cabdi (Buriki) oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyay qaar ka mid ah Hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan.
C/raxmaan Buriki waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay in Hay'addaha Samafalka qaarkood aysan u dhaga nugleyn baaqa iyo waliba codsiyada kaga imanaya dhinaca Maamulka Goballka Hiiraan, waxaana uu intaa ku daray in taa badalkeeda ay doorbideen in ay Madaxooda ay ka shaqeystaan.
"Maamulka Goballka Hiiraan waxaa xil ka saaran dhamaan shacabka uu Maamulka u yahay waana qasab in uu ka hadlo baahiyaha heysta, sadaa daraadeed waa in Hay'addaha Samafalku wax ka qabtaan dhibaatada heysta dadka shacabka ah.
C/raxmaan Buriki waxaa kaloo uu ku eedeeyay Hay'addaha Samafalku in ay qabtaan howlo ka baxsan shaqooyinkooda, isaga oo intaa sii raaciyay in uusan ogeyn wax howshoodu tahay mar hadii ay dadkii ku dhaqnaa Goballka u dhamaanayaan Abaaro iyo Biyo la'aan soo food saartay.
Eedeynta uu u soo jeediyay Hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada C/raxmaan Buriki ayaa ah mid ku soo beegantay xili Maalin ka hor Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan kulan xasaasi ah uu ku dhaxmaray Hay'addaha Samafalka iyo Maamulka Degmada kaa oo ugu danbeytii leysku afgartay in la soo kormeero xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan deegaanada Abaaruhu ka jiraan.
Waxaana dhinaca kale xusid mudan in Magaalada Beledweyne uu hadda tababar uga socdo dhaliyaro kor u dhaafeysa ilaa 60 kuwaa oo marka ay soo dhameystaan tababarka kala qeyb qaadan doono Hay'addaha Samafalka iyo Maamulka degmada kormeerka lagu tago deegaanada ay Abaaruhu ka jiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Maamulka Islaamiga ah ee degmada Beledweyne oo eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan
More News
- Hotel Soomaali leedahay oo ku gubtay dalka Tanzania
- Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo ka badbaaday isku-day lagu dili lahaa
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aysan dooneyn in ay sameeyaan wax dhibaato u keenaya Shacabka Soomaaliyeed
- Xisbul Islaam oo labo garab u kala jabay
- Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo soo saaray Wareegto uu ku joojinayo Deked laga dhisayo Degmada Cadale
- Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya Mid ka mid ah Dalalkii uu wax ku bartay
- Gabar Ardayad ah oo lagu af-duubtay Xaafadda Xamar Bile ee Magaalada Muqdisho
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Aqoonyahnno ku dhaqan Magaalada Muqdisho
- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo ka qeybgalay shir ku saabsanaa horumarinta dhaqaalaha Afrika