Isniin, March 23, 2009(HOL): Waxaa isku-day lagu dili lahaa ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, kadib markii gaari uu watay oo marayay nawaaxiga KM13 ay weerareen rag hubeysan.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) ayaa sheegay in Dr. Maxamed Yuusuf oo saaka ku soo socday Isbitaalka Madiina ay jidka u galeen rag hubeysan kadibna ay rasaas ku fureen gaari uu watay.
“Rasaastii ay Raggaas ku fureen gaariga Agaasimaha waxay sababtay dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka oo saarnaa gaariga Agaasimaha, kaasi oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka Madiina”ayuu yiri Daahir Dheere oo sheegay in Agaasimaha uu wanaagsan yahay, kaliyana ay ku firireen muraayadaha gaariga markii rasaasta lagu furay.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina waxaa uu sheegay in aaney ilaa iyo haatan garaneynin sabab keeni kartay in la weeraro Dr. Maxamed Yuusuf oo ah Dhaqtar u shaqeynayay Shacabka Soomaaliyeed.
Muddo seddex maalmood ah ayuu Daahir Dheere sheegay in ay joojin doonaan howlihii Isbitaalka sabab la xiriirta weerarka Agaasimaha Isbitaalka lagu qaaday, wuxuuse carrabka ku dhuftay in Isbitaalka uu qaban doono howlihii gurmadka deg degta ahaa.
Isbitaallada Madiina ayaawuxuu ka mid yahay Isbitaallada inta badan la dhigo dadka ku dhaawacma Magaalada Muqdisho iyo gobollo u dhow dhow, waxayna dadka lagu daweeyo u badan yihiin dadka ku dhaawacma dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia