
Isniin, March 23, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-Arke ayaa kulan kula qaatay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho in ka badan 20 Aqoonyahanno ah oo ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Cawaale Cali Kulane oo ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa HOL uga warramay waxyaabaha ay ka wada hadleen Aqoonyahannada iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna xusay in kulankaas uu ahaa mid muhiimad gaar ah leh, isla markaana aqoonyahanka Soomaaliyeed ay xukuumadda u soo jeediyeen talooyin iyo sida lagu horumarin karo dowladda cusub si ay u hanato maamulka guud ee dalka.
Mr. Cawaale ayaa xusay in la is-dhaafsaday aaraa’ ku aadan doorka aqoonyahanku ku leeyahay dhismaha dalka, ka faa’deysiga kheyraadka dihan ee dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka iyo kaaraamada Soomaaliyeed.
“Aqoonyahanka waxay tilmaamo ka bixiyeen waxtarka qofka aadanaha iyo in dawladda ay mudnaanta hore siiso: sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, dib-u-dhiska, dib-u-heshisiinta, tirakoobka iyo taxliilka cilmi ku dhisan si loo daraaseeyo baahida qaranka” ayuu yiri Cawaale oo intaas ku daray in aqoonyahanku ay sheegeen in Soomaaliya ay hodan ku tahay khayraadka dabiici ah sida: shidaalka, beeraha, xoolaha iyo kallumeysiga iyagoo soo jeediyay in la soo nooleeyo hay’adaha dhaqaalaha ilaaliya ee dawladda sida Baanka dhexe si ay wax walba daalacan u noqdaan, isla markaana la abuuro Naadi aqoonyahan oo unug ku dhex leh xafiiska Ra’iisal Wasaraha.
“Ra’iisal wasaaraha waxa uu u sheegay aqoonyahanada in kheyraadka adduunka hanti kasta ay ugu qiimo badan tahay tan aqoonta dadku leeyihiin, isagoo tusaale u soo qaatay in Dalalka Galbeedka Afrika wabiyada hoostooda ay jiifaan dahab, sababta loola soo bixi la’yahayna ay tahay aqoonta oo ku yar dadka Africa, tiiyoo aaney gobolka ka jirin dad xirfad yaqaan” ayuu yiri Cawaale Kulane Madaxa Xafiiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybgalay kulan dhexmaray Ra’iisal Wasaaraha iyo Aqoonyahanno Reer Muqdisho ah.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in barnaamijka dawladdiisa ay ugu horreyso in marka hore ammaanka la sugo oo dhaqaale ku filan loo helo ciidanka nabadda ilaaliya, isla markaana la xareeyo si loo siiyo tababarro iyo aqoon ku filan oo ay hawshooda ku gudan karaan.
![]() |
| Madaxa Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya-Cawaale Kulane |
Cawaale oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu u sheegay aqoonyankii uu la kulmay in loo bahaan yahay inay talo siiyaan hay’adaha Dawladda bacdamaa nidaamka Barlmaanka ku dhisan uu yahay wax dhib badan, wuxuuna caddeeyey in isaga iyo Madaxweynaha aaney ka dhaxeyn wax iska horimaad ah, isla markaana mar haddii uu jiro xal siyaasadeed ay inta kale yihiin “Process” taasoo iyana u baahan rabitaan ku dhisan aqoon.
“Aqoonyahanka waxaa loo sheegay in habka 4.5 uu markiisii hore ku yimid kalsooni darro, sidaa darteedna loo baahan inaan ka wada shaqeyno sidii loo soo celin lahaa kalsoonida shacabka ee luntay” ayuuna yiri Cawaale.
Cawaale ayaa xusay in R/wasaaruhu sheegay in Reer kasta ay ku jiraan dad aqoon durugsan leh, balse siyaasiyiinta dadka soo xuleyso waxay xulkooda ku saleynayaan qofka reerkooda ka tirsan sida uu daacadda ugu yahay, mana u fiirinayaan.
“Ra’isal Wasaaraha wuxuu ka dalbay aqoonyahanka inay soo gudbiyaan taariikh nololodkooda iyo xirfadahooda xagga shuruucda, sida Maaliyadda, Qorsheynta, Dhaqaalaha, Siyaasadda Dibedda iyo aqoonta dhismaha dawladaha hoose, Beeraha, Kallumeysiga iyo Xoolaha, waxaana la idinkaga baahan yahay inaad sawir “Design” ka soo sammeysaan arrimhaas ku lugta leh horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu u sheegay aqoonyahankii uu la kulmay R/wasaare Sharma’arke.
Dhinaca kale, R/wasaaruhu waxa uu tilmaamay in mudada labada sano ah ee dawladda loo qabtay aaney ku filneyn inay dhameyso wax kasta, balse dowladdiisu dooneyso inay gaarsiiso dalka meel wax laga dhameystiri karo, isagoo tibaaxay in dawladda Midnimada Qaran ay mabda’iyan qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka,
Ugu dambeyntiina Cawaale Cali Kulane ayaa waxaa uu sheegay inuu ugu baaqay in aqoonyahanka Soomaaliyeed oo dhan looga baahan yahay inay ku biiriyaan talooyinkooda xukuumada Somalia si ay isaga illaaliso dowladdu inay khaladaad gasho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
