Gabar Ardayad ah oo lagu af-duubtay Xaafadda Xamar Bile ee Magaalada Muqdisho

Isniin, March 23, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe waxay Xaafadda Xamar Bile ee Degmada Wardhiigley ay ka af-duubteen Gabar Ardayad ahayd oo magaceeda lagu sheegay Nasteexo Cabdi, taasi oo da’deeda lagu sheegay 20 sano jir.

Kooxaha Af-duubtay gabadhan oo watay Gaari MARK II ah, isla markaana hubeysnaa ayaa saacado kadib markii af-duubka dhacay waxay la soo xiriireen reerka gabadha, waxayna sheegeen in ay doonayaan lacag madax furasho ah oo gaareysa 10 kun oo Doollar.

Mid ka mid ah Ehellada Gabadha laga af-duubtay ayaa sheegay in iyagoo yaaban, isla markaana la’ meel ay wax ka bilaabaan ay heleen wicitaan kale oo taleefoon ah, kaasi oo loogu sheegay in gabadhooda la hayo iyadoo bed qabta, “waan baxnay waxaan tagnay meeshii gabadha na loogu sheegay, waxaana u  tagnay rag dhalinyaro ah oo noo sheegay in ay qabteen gabadha oo ka soo baxsatay kooxihii af-duubtay”ayuu yiri qofka u hadlay Ehellada Gabadha la af-duubtay.

Af-duubka Dadka Rayidka ah ee Soomaalida ah lagula kaco, isla markaana lagu dalbado lacag madax furasho ah ayaa waxaa ugu dambeysay Magaalada Muqdisho waqti hore, inkastoo ay jireen dad Hay’ado u shaqeeya oo qaarkood sababo siyaasadeed loo af-duubtay iyo kuwo Ajaaniib ah oo iyana arrimo kala duwan loogu af-duubtay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia