Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo soo saaray Wareegto uu ku joojinayo Deked laga dhisayo Degmada Cadale

Isniin, March 23, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu soo saaray Wareegto uu ku joojinayo Dhismaha Deked Macmal ah oo ay ganacsato Soomaaliyeed ka hirgelinayaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wareegtada uu soo saaray Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Maamulkaas Macallin Daahir Caddow Calasow ayaa lagu sheegay in sababta ay dhismaha Dekeddaas u joojiyeen ay tahay iyadoo aan maamulka lala soo socodsiinin.

Ganacsatada Dekedda ka hirgelineysa Degmada Cadale ayaa waxay Bakhaarro waa weyn ka dhiseen gudaha Degmada Cadale, sidoo kalena waxay qorsheynayeen in ay dhisaan Waddooyin Degmadaas ku xira Gobolka intiisa kale.

Maamulkii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa xiligii uu gobolkaas ka talinayay waxaa uu mar isku dayay in uu Deked ka dhiso Degmada Cadale, hayeeshee taasi kuma guuleysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia