Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aysan dooneyn in ay sameeyaan wax dhibaato u keenaya Shacabka Soomaaliyeed


Isniin, March 23, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo maanta shir jaraa’id ku qabtay guriga uu Muqdisho ka degan yahay ayaa wuxuu sheegay in ay Xukuumaddiisa ka cudur-daaraneyso wel-wel ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadeen hadal uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, kaasi oo ahaa in Dowladda Soomaaliya ay dalabatay in Ciidamada jooga Soomaaliya lagu kordhiyo seddex battalion oo hor leh.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan qorshaha ugu jirin in ay ku dhaqaaqdo wax dadka Soomaaliyeed dhibaato u keenaya, wuxuuna caddeeyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar uu isna qabanayo shir jaraa’id oo uu uga hadlayo hadalkii uu sii daayay ee ay cabashada badan ka keeneen Shacabka Soomaaliyeed.

Waxgarad, Culumaa’udiin, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Abwaanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hadlay hadalkii laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyado dadkaasina ay ka codsadeen Dowladda Soomaaliyeed in ay hadalkaas ka laabato, isla markaana ay cudurdaar ka bixiso.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa la eegayaa sida uu u fasiro hadalkii ay ka soo xigteen Wakaaladaha Wararka Reer Galbeedka ee ahaa in uu codsaday in seddex battalion oo dheeraad ah lagu kordhiyo Ciidamada Amisom ee hadda ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia