|
|
| Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kulan uu la qaatay Dhiggiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir waxaa uu uga warramay Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Midnimada Qaran ee uu madaxweynaha ka yahay, sidoo kalena wuxuu uga warbixiyay waxyaabaha ay dooneyso in ay qabato Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu u gudbiyay Madaxweynaha Suudaan mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan go’aankii Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ee ICC, taasi oo amar ku bixisay in la soo xiro Madaxweynaha Suudaan, wuxuuna sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in go’aanka maxkamadda uu ahaa mid wax loogu dhimayo sumcadda iyo madax bannaanida Suudaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uusan booqan Dalka Suudaan waxaa uu horay u soo booqday Dalalka Kenya, Burundi, Uganda iyo Rwanda, iyadoo socdaalka uu Wadamadaas ku marayna lagu sheegay mid uu ku hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Wadamadaas.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo kulankaas kadib saxaafadda kula hadlay Magaalada Khartoum ayaa ugu baaqay Wadamada Afrika, kuwa Carabta iyo Dunida Muslimka in ay taageeraan Dowladda cusub ee Soomaaliya. Al-Bashiir waxaa uu sheegay in Suudaan ay si weyn u daneyneyso Nabad ka dhalata Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
