![]() |
| Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/Shakuur Warsame |
C/raxmaan Shakuur Warsame waxaa uu sheegay in shirkaas ay soo qabanqaabisay Dowladda Japan, wuxuuna caddeeyay in looga hadlay sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Afrika, isla markaana ay Dowladda Japan ay maalgelin ugu sameyn lahayd Qaaradda Afrika.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/shakuur in intii uu shirkaas ka qeybgelayay uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, ay isla soo qaadeen sidii ay Dowladda Japan kaalin uga geysan lahayd dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa uu intaas ku daray in shirka uu dabab socday shir sanadkii hore ka dhacay Magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Dhanka kalena, Wasiirka waxaa uu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gaborone ee Dalka Botoswana, wuxuuna sheegay in uu ku farxay in uu la kulmay Soomaali badan oo ganacsi iyo deegaanno ku leh Dalka Botoswana.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
