Jimco, June 05, 2009(HOL): Afhayeen u hadlay Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta khasaare u geysteen Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan.
Afhayeenkan oo lagu magacaabo Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa sheegay in ay saaka seddex Askari ka dileen Ciidamada Amisom xili ay marayeen Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4, “Xoogagga Mujaahidiinta ayaa Ciidamadaas ku qarxiyay Miino, iyagoo doonayay in ay socod ku maraan Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4, waxaana halkaas uga dhimatay 3 askari”ayuu yiri Shiikh Cali Dheere.
Shiikh Cali Dheere wuxuu intaas ku daray in ay sidoo kale Qarax Miino la heleen gaari ay saarnaayeen Ciidamada Amisom kaasi oo marayay nawaaxiga daarta 6 Piano, wuxuuna caddeeyay in ay halkaas ku baaba’een ciidamo saarnaa gaarigaas.
“Waxaan leenahay Ciidamada Amisom waxba ma idiin tarayaan wax xoogaaga yar ee san-dareertada ah ee New York la idin kaga soo dhiibo ee inta aadan halkan ku baabi’ina ka baxa Dalka Soomaaliya, haddii kale waxaad mari doontaa halkii ay mareen kuwii idinku diinta ahaa ee dalka horay uga baxay”ayuu mar kale yiri Afhayeenka Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin.
Dhanka kalena, Shiikh Cali Dheere waxaa uu sheegay in uusan jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin Dowladda Eritrea, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay wax lala yaabo tahay in sida uu u yiri dad shalay Erirea isu dhiibay oo darteed ay ku colloobeen in ay maanta ku eedeeyaan in ay Eritrea xiriir leeyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya