Is-rasaaseyn xalay ka dhacday Degmada Jowhar

Jimco, June 05, 2009(HOL):Wararka naga soo gaaraya Degmada Xamarweyne ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in xalay degmadaas ay ka dhacday is-rasaaseyn waqti kooban socotay, taasi oo dhexmartay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Dowladda taabacsan iyo Xoogagga Xarakada Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmada Jowhar.

Guddoomiyihii Maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Daahir Caddow Calasow ayaa sheegay in Ciidamadooda ay xalay howlgallo ka fuliyeen Degmada Jowhar, isla markaana sida uu yiri ay kala eryaan kooxo ku sugnaa Degmada.

Macallin Daahir waxaa uu intaas ku daray in Ciidamadooda ay dib ugu noqdeen fariisinkii ay ka soo baxeen, wuxuuna taasi ku macneeyay in ay kaliya doonayeen in ay howlgallo ka sameeyaan gudaha Degmada Jowhar, gaar ahaan Buundada, Saldhigga iyo xaafado kale oo ka mid ah Degmada.

Is-rasaaseynta xalay ka dhacday degmada Jowhar ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shalay uu dagaal ka dhacay Degmada Mahaddaay oo ay gacanta ku hayaan Xoogag daacad u ah Xisbul-Islaam. Dagaalkaas waxaa muddo kooban gacan ku heynta degmada kula wareegay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee taabacsan Dowladda Soomaaliya, inkastoo ay mar kale dib uga laabteen.

Salaad Iidow Xasan Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya