Hay'ada World Vision oo dib ugu soo noqotay degmada Bu'aale kadib markii ay todobaadkii la soo dhaafay isaga guurtay

Jimco, June 05, 2009(HOL): Hay'adda World Vision ayaa dib ugu soo noqotay Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka J/dhexe, kadib markii ay ka guurtay Todobaad ka hor Magaaladaasi, khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay Hay'ada iyo Maamulka awgeed.
 
Hay'addaan ayaa ka shaqeysa gargaar la xiriira cuntoqeybinta, daawooyinka iyo Nafaqeynta Caruurta, waxaana lagu guuleysatay markale in dib loogu soo celsho Gobolka, Markii dadaal xooggan loo galay sidii dib loogu soo celin lahaa Hay'addaan.
 
Odoyaasha iyo Dadka Deegaanka ayaa ka shaqeeyay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Shaqaalaha Hay'adda iyo Maamulka Islaamiga ah ee ka talinaya Gobolkaasi J/dhexe, waxaana lagu guuleysatay Maalinimadii shalay in ay shaqaalaha Hay'addaasi dib howshoodii uga bilaabaan Magaaladaasi Bu'aale ee Xarunta Gobolka J/dhexe.
 
Dad fara badan oo ku dhaqan Magaaladaasi Bu'aale ayaa kamid ahaa shaqaalaha Hay'addaan isla markaasina ku maareeya Mushaaraadka ay ka helaan nolol Maalmeedkooda gaarka ah, taas ayaana keentay in dadaal xooggan loo galo sidii gobolka ay uga sii shaqeyn lahayd hayaddani.

Hiiraan, Online
Kismaayo, Soomaaliya