Jimco, June 05, 2009(HOL):Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa shalay, xalay iyo saaka waxaa ka dhacay duqeyn iyo qarax dhimasho iyo dhaawac u geystay dad rayid ah oo guryahooda iyo goobahooda ganacsiga iska joogay.
Duqeyn ay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Muqdisho ay u geysteen xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku dhintay afar ruux, tiro kale oo intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka dhintayna uu ku jiray Xoghayaha guud ee Kooxda Dekedaha.
Duqeyn xalay ka dhacday Degmada Dharkeenley oo ay iyana ku dagaallameen dhinacyda Muqdisho isaga soo horjeeda ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay afar ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ahaa dad degmada ku haray oo aan ku barakicin dagaalladii maalmo dhaweyd degmadaas ka dhacay.
Qarax loola dan lahaa Ciidamada Amisom oo saaka aroortii ka dhacay Wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa uu geystay dhimashada hal ruux oo rayid iyo dhaawaca labo ruux oo kale.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay mid aan xasillooneyn, waxaana degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo kala ah Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Boodheere laga maqlayaa rasaas goos-goos ah.
Salaad Iidow Xasan Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya