Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika oo soo dhaweeyay Khudbaddii madaxweyne Jacob Zuma uu ka jeediyay Baarlamaanka Dalkaasi

Jimco, June 05, 2009(HOL): Madaxweynaha ayaa qudbaddiisii ugu horeeysay ka jeediyay  baarlamaanka. khudbadda oo aad u dheereyd ayuu madaxweynuhu uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin sidii uu ula dagaallami lahaa shaqo la’aanta baahsan ee heysata shacabka Koofur Afrika iyo arrimaha caafimaadka, waxbarashada, iyo biyo nadiif ah in la geeyo xaafadaha iyo tuulooyinka  ka fog-fog magaalooyinka waa weyn.

Waxaa kale oo uu ballanqaaday in uu ka hortagi doono dambiyada ka dhaca dalkan sida dhaca, dilalka qorsheysan, kufsiga, iyo ka ganacsiga mandooriyeyaalka iyo isticmaalkoodaba.

Soomaalida dalkan ku dhaqan ayaa waxa si weyn u saameeyay dambiyada wadankan ka dhaca, waxaa dalkan siyaabo kala duwan loogu  dilay looguna dhaawacay boqolaal soomaali ah.

Ballanqaadkan Zuma ayay si weyn usoo dhaweeyeen waxana Khudbada kadib bilowday hadal heynta ah in dowladan cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Zuma ay dhabarka u xiran doonto la dgaalanka burcadda hubeysan.

Zuma ayaa waxa lagu yaqaanaa in uu yahay nin ad-adag oo la filayo in uu wax ka qaban doono arimaha ammaanaka ee dalkan, waxa uu qudbadiisa ku sheegay in sanadkiiba uu hoos u dhigi doono ammaan darrada  7% (boqolkiiba todoba) ilaa uu ka tirtirayo.

Dalkan Koofur Afrika ayaa waxa uu marti galin doonaa Koobka Kubadda cagta ee adduunka  sanadka soo socda ee 2010ka taasina waxay dowlada Koofur Afrika ku qasbeysaa in ay wax ka qabtaan amaan xumida baahsan ee dalkan ka jirta.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa