Jimco, 5, Juun, 2009 (HOL) Goor dhaweyd waxaa magaalada Beledweyne gilgilay qarax aad u weyn oo ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala Xaafadda Howl-wadaag, waxaana inta ilaa hadda la og-yahay Qaraxaasi ku geeriyootay Labo Ruux oo rayid ah oo sida dad goob joogayaal ah u sheegeen HOL ilaa hadda aan la aqoonsan.
Suuqa Xoolaha ee goor dhaw uu qaraxa ka dhacay ayaa ah goob dadku siweyn ugu badan islamarkaana waa suuqa kaliya ee looga ganacsado Xoolaha ee ka furan Magaalada Beledweyne, waxaana xusid muda in xiliga uu qarax ka dhacay uu ahaa Suuqu mid aad u mashquul badan.
Lama oga in Qaraxu ka dhashay Bam gacanta laga tuuray iyo in uu ahaa mid meesha horay loogu sii aasay, dadkuna waxaa ay ilaa hadda isweydiinayaan sababta keentay in Suuqa la weeraro maadaama aysan joogin Ciidamo ka tirsan Maamulka.
Dhinaca kale isla habeenimadii xalay ayaa waxaa weerar loo adeegsaday Ban kuwa gacanta laga tuuro ah lagu qaaday Saldhiga Baliiska Magaalada Beledweyne halkaa oo aan ka fogeyn Hotelka uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne Wasiirka Amniga Qaran Col. Cumar Xaanshi Aadan.
Weerarkaasi wax qasaaro ah mageysan waxaana xiligaa kadib Ciidamada Nabad-galyadu bilaabeen in ay ridaan rasaas u muuqatay mid lagu kala dirayo dadka wali magaalada ku sii harsan si loo xaqiijiyo Nabad-galyada.
Qaraxyadan is xig xiga ee ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan Magaalada Beledweyne ay soo gaareen Xubno uu horkacayo Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaanshi Aadan oo sheegay in ay la dagaalami doonaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Qaraxyo xalay iyo saaka ka dhacay Magaalada Beledweyne
More News
- Afhayeenka u hadlay Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in ay khasaare u geysteen Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan
- Shan Guri oo 24-kii saacadood ee u dambeeyay ku gubtay Hargeysa iyo moogganaanta Xukuumadda
- Hay'ada World Vision oo dib ugu soo noqotay degmada Bu'aale kadib markii ay todobaadkii la soo dhaafay isaga guurtay
- Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika oo soo dhaweeyay Khudbaddii madaxweyne Jacob Zuma uu ka jeediyay Baarlamaanka Dalkaasi
- Qoys 9 Ruux ka koobnaa oo uu ku dumay Guri Seddex dabaq ah oo Degmada Xamar-weyne ku yaalla
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud
- Wasiirka Amniga Qaran Col.Cumar Xaashi Aadan oo ku celiyay in uu shaqo ka qaban doono mudada uu joogo Gobolka Hiiraan
- Duqeyn iyo Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Is-rasaaseyn xalay ka dhacday Degmada Jowhar