Jimco, 5, Juun, 2009 (HOL) Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan oo dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa mar kale sheegay in mudada uu joogo Goballka Hiiraan uu qaban doono howlo adag oo ku saleysan shaqada Wasaaradiisa ee ah wax ka qabashada Nabad-galyada.
Wasiirku waxaa uu intaa ku daray in marka uu dhameysto howlaha uu u joogo Goballka Hiiraan uu uga sii gudbi doono Goballada kale ee dalka Soomaaliya si loo xaqiiyo Nabad-galyada guud, isaga oo intaa sii raaciyay in Dowaladda uu ka tirsan yahay tahay mid Ugub ah mar loo eego waqtiga ay dhisan tahay.
Col. Cumar Xaashi Aadan Wasiirka Amniga Qaranka sidoo kale waxaa uu carrabka ku dhuftay in Saacadihii uu joogay Magaalada Beledweyne ay is arkeen qaar ka mid ah qeybaha Bulshada Goballka sida Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Duubabka, iyo waliba Saraakiisha Ciidamada oo dhamaatood ay ka wada hadleen sida uu hadalka u dhigay arrimaha Nabad-galyada.
Laakiin kama uusan hadlin Wasiirku nooca ay tahay shaqada uu sheegay in uu ka qabanayo Goballka Hiiraan, inkastoo mar sii horeysay Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uu ku sheegay in arrita ugu weyn ee socdaalkiisu tahay sidii Goballka looga saari lahaa kooxaha sida u hadalka u dhigay ku soo duulay kana soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Wasiirka Amniga Qaran Col.Cumar Xaashi Aadan oo ku celiyay in uu shaqo ka qaban doono mudada uu joogo Gobolka Hiiraan
More News
- Afhayeenka u hadlay Xarakada Al-Shabaab oo sheegay in ay khasaare u geysteen Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan
- Shan Guri oo 24-kii saacadood ee u dambeeyay ku gubtay Hargeysa iyo moogganaanta Xukuumadda
- Hay'ada World Vision oo dib ugu soo noqotay degmada Bu'aale kadib markii ay todobaadkii la soo dhaafay isaga guurtay
- Soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika oo soo dhaweeyay Khudbaddii madaxweyne Jacob Zuma uu ka jeediyay Baarlamaanka Dalkaasi
- Qoys 9 Ruux ka koobnaa oo uu ku dumay Guri Seddex dabaq ah oo Degmada Xamar-weyne ku yaalla
- Qaraxyo xalay iyo saaka ka dhacay Magaalada Beledweyne
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud
- Duqeyn iyo Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Is-rasaaseyn xalay ka dhacday Degmada Jowhar