Qoys 9 Ruux ka koobnaa oo uu ku dumay Guri Seddex dabaq ah oo Degmada Xamar-weyne ku yaalla

Jimco, June 05, 2009(HOL): Seddex ruux ayaa geeyootay afar ruux oo kalena dhaawac halis ah ayaa soo gaaray kaddib markii uu ku soo dumay guri  seddex dabaq ah oo ku yaalla Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Guriga oo dumay saaka aroortii ayaa waxaa u soo gurmaday dadka deriska la ah qoyska uu guriga ku dumay, waxaana la soo saaray seddex ruux oo meyd ah iyo afar ruux oo dhaawac ah, kuwaasi oo dhaawacooda uu cuslaa. Qoyskan ayaa waxay ahaayeen kuwo ka soo barakacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo ay dagaallo ka socdaan.

Guriga ku soo dumay qoyskan ayaa wuxuu ahaa mid muddo qarniyo ah dhisnaa oo si weyn u duugoobay, waxayna qoyskan baaba’ay ku jireen qeybta hoose ee guriga. Waxay ahayd masiibo ay si weyn uga naxeen dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa degmada Xamar-weyne.

Intii lagu guda jiray badbaadinta qoyskan ayaa waxaa rasaas ku dhacday u geeriyooday labo ruux oo ka mid ahaa dadkii u yimid in ay wax badbaadiyeen mid kalena waa uu dhaawacmay, waxayna rasaastaas ahayd mid ka fakatay askari ka tirsanaa ciidamada iyana goobta u soo gurmaday.

Taliyaha qeybta bartamaha ee Xamar G/lle Dhexe Cali Xirsi Barre oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xabadda dhimashada iyo dhaawaca geysatay ay ahayd mid ka fakatay askari ka tirsan ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in falkaas uu ku dhacay qaab aan ku talagal ahayn.

Salaad Iidow Xasan Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya