Jimco, 5 June 2009 (HOL): Ugu yaraan shan guri oo qaar ka mid ahi yihiin Bakhaaro waaweyn, ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ku gubtay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo badankoodu u shuf-beelay Dab-demis la’aan.
Guryaha gubtay oo saddex ka mid ahi yihiin Bakhaarro ku yaala badhtamaha Magaalada Hargeysa, isla markaana ka mid ah Bakhaaradaha lagu rogo Alaabta iyo Dharka, ayaa goor saqdii dhexe oo xalay ah uu dab qabsaday. “Lagama war qabo sababta dabka dhalisay ee dhabta ah, hase ahaatee inay tahay mid ka dhalatay Laydhka guriga ayaa la filayaa. Waxase sii kordhiyay dabka oo baabi’iyay Guryaha Dab-demis la’aan. Sababtoo ah, waxa jira laba Dab-demis oo Madaarku leeyahay oo soo gaadhay goor dambe, maxaa yeelay waxay ka soo dhaqaaaqayaan Madaarka Hargeysa oo masaafo ahaan aad uga fog halka dabku qabsaday.” Sidaa waxa HOL u sheegay mid ka mid ah dadkii ka qayb qaatay deminta Bakhaaradaas.
Labada Guri ee kale ayaa mid ka mid ah waxa leh Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Gabooye, kaas oo ku yaala Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa. waxaanu Suldaanku sheegay in uu Dabku qabsaday Guriga Salaaddii subax ee shalay ka dib, isla markaana uu sababta Dabka dhalisay uu u malaynayo Korontada Guriga ku jirtay.
Guryahan Magaalada Hargeysa ku gubtay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, ayaan la sheegin dad wax ku noqday ama ku dhaawacmay. Hase ahaatee, waxa jirta Hanti fara badan oo ku baaba’day Guryahan hoostooda, kuwaas oo gebi ahaanba shuf beeshay.
Isku soo wada duuboo, Xukuumadda Somaliland ayaa u eg mid waajibkii saarnaa kaga mashquushay Olole Siyaasadeed oo aan meel gaadhsiisnayn, isla markaana waxay u muuqataa inay u xusul-duuban tahay hanaashada talada dalka ee mar kale, taas oo meesha ka saartay inay ilowdo oo ay dayacdo Waajibkii dadka iyo dalka ee ay u dhaarteen Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiiisu. Waxa jira laba Dab-demis oo Madaarka Hargeysa leeyahay, isla markaana ka qayb qaata deminta Dab kasta oo ka dhasha Magaalada, hase ahaatee Magaalada oo ballaadhan awgeed, waxba kamay bedelin baahidii Dab-demiska ee ay dadweynuhu qabeen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland