Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Axad, July 12, 2009(HOL): In ka badan 20 ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii uu saaka dagaal xooggan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo la isugu adeegsaday madaafiic culus, isla markaana ay ka qeybqaateen Ciidamada Amisom ayaa waxaa Ciidamada Dowladda ugu suurtagashay in ay kula wareegaan fariisimo ay horay ugu sugnaayeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Amisom ayaa waxay dagaalka si toos ah ugu soo biireen kaddib markii ay xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaadeen Xarunta Villa Somalia, isla markaana ay gaareen nawaaxiga Isgoysyada Maanaboolyo iyo Barxadda Wardhiigley oo si aad ah ugu dhow Xarunta Madaxtooyada.

Meelaha ay Ciidamada Dowladda la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan, C/Casiis, Boondheere iyo Shibis, waxaana halkaas haatan ku sugan Xaafadda Ciidamada Dowladda, walow aan la ogeyn in ay sii heysan doonaan iyo in ay dib uga soo noqon doonaan.

Inkastoo Muqdisho lagu arkay Taangiyada Ciidamada Amisom oo kaalmeynaya Ciidamada Dowladda, haddana Saraakiil u hadlay Ciidamada Dowladda iyo Afhayeenka Amisom Bridgye Bohuko waxay sheegeen in aysan Ciidamada Amisom ilaa iyo haatan dagaalka ka qeybqaadan.

Bridgye Bohuko waxaa uu sheegay in wararka ku saabsan in ay dagaalka qeyb ka yihiin ay faafiyeen dad sida uu yiri marmarsiyo u raadinaya weerarro ay ku soo qaadaan. sidoo kalena, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay qaadeen Ciidamada Dowladda kaliya, isagoo beeniyay in ay Ciidamada Amisom ka qeybqaateen.

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha Isbitaalka Keysaney kaddib markii ay Ciidamada Dowladda la wareegeen gacan ku heynta degmada Kaaraan ayaa sheegay in jebiyeen kooxihii dagaalka kala soo horjeeday, wuxuuna caddeeyay in ay dagaalkaas qaadeen kaddib markii sida uu yiri ay diideen wax wada hadal ah kooxaha dagaalka kala soo horjeeda.

Shiikh Yuusuf Indha-cadde waxaa uu intaas ku daray in dagaalkan oo uu amarkiisa bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ay sii wadi doonaan tan iyo inta ay dalka Soomaaliya ka xoreynayaan kooxaha ka soo horjeeda.

Inkastoo dowladda Soomaaliya mas'uuliyiinteeda ay guulo ka sheeganayaan dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho haddana waxaa guushaas u diidan Dowladda Maxamed Cusmaan Caruus oo ka mid ah mas'uuliyiinta Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin in lagala wareegay goobo ay xoogaggooda ku sugnaayeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin meelo lagala wareegay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay xaafado ka tirsan Degmada C/Casiis uu ka dhacay dagaal xooggan oo ay khasaare ka soo kala gaartay Dowladda Soomaaliya iyo Dhinacyada ka soo horjeeday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya