Axad, 12 July 2009 (HOL): Shir uu guddoominayay Madaxweyne Rayaale oo ay isugu yimaadeen guddi ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay laga soo saaray go’aamo ka kooban 5 qodob, kuwaas oo la xidhiidha deegaannada shaqaaqadu ka dhacday ee muranku ka taagan yahay ee Ceel-berdaalle.
Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kulankaa laga soo saaray oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu shaaciyay 5-taa qodob. Islamarkaana waxa War-Saxaafadeedkan lagu sheegay in Warar ay baahiyeen Warbaahinta qaarkood aanay waxba ka jirin.
War-Saxaafadeedkaas ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan;
“Wuxuu Madaxweynuhu kullan fadhiya la yeeshay dorraad Odayaasha Gabiley ee ka hadlayey arrinta Ceel Bardaale, taas oo Madaxweynaha iyo Odayaashu ay ku isku af-garteen kuna qaateen ballan cad, in ciddii xaq leh sidiixaqqooda loo siin lahaa, loona joojin lahaa colaad dambe oo sii socota.
Hadaba, ayaan darro, arrintaasi Warbaahinta qaarkood ayaa si Masuuliyaddarro ah uga been sheegay, wixii ay ku wada hadleen Madaxweynaha iyoOdayaashu, iyagoo sheegay in ay khilaaf ku kala tageen, taasi waxay sababtay in dhinaca Barriga Jiidda Ceel Bardaale ay dagaal soo qaadeen (1hal qof ) ay ka dileen dhinaca galbeedka.
Hadaba Shir ay maanta yeesheen Guddi ka tirsan Golaha Xukuumadda JSL, oo uu Guddoominayey Madaxweynaha JSL, ayaa kadib markii ay Xukuumadduaragtay Shaqaaqadii ka taagneyd Ceel Bardaale in loo bedelay wajiyo kale oo lagu wiiqayo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xalayto
fiidkii dad wadada marayey lagala degay Baabuurtii ay saarnaayeen, qaarna lagu kaxaystay oo lala tagay meelo ka baxsan wadada oo 4 (Afar) ka midahna lagu laayey, gaadiid iyo hantidii saarnaydna la lunsaday, arrrintaasi waxay Xukuumaddu u aragtaa arrin laga leexiyey wixii la isku hayey oo wajiyo kale oo qarsoonna ay ka soo baxeen.
Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay go’aan ku qaadatay:
1-In dadkii Jid-gooyada sameeyay in la soo qabto sharcigana la hor keeno.
2-In Jiidda laga dhigay Zone Ciddamadu ka hawl gallaan, kana reebban cid hub ku dhex haysata Barigeeda iyo
Galbeed-keedaba, Ciddii lagu arko is urursina, tallaabo laga qaado,hubkana laga ururiyo, sharcigana la hor-geeyo.
3-Warbaahinta muujisay Masuuliyadd darraddana waa in si deg-deg ahtallaabo sharciya looga qaado.
4-Taliyayaasha Ciidamada waxa la farayaa in ay ciidan ku filan geeyaan jiidaas, oo aan lagu arag jiidaas wax hub sita, Masuul kasti oo ciidana oojiiddaasi ku suganna waa in uu u fuliyaa awaamiirta la siiyay sida ay yihiin.
5-Cid kasti oo arrinta colaaddaasi ku abaabulaysa erayo colaadeed, ficil, odhaah ama qoraal ee hurisa colaaddaasi waa in tallaabo sharciya laga qaadaa.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Labada Taliye Ciidan, (Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka) iyo Hay’adaha Sharciga, Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka Jiidaasina waxa dhammaantood la farayaa inay Go’aamadaasi sidooda u fuliyaan.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland