Axad, July 12, 2009(HOL): Degmooyin ka tirsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal culus oodhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kaalinayaan kuwa Amisom iyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Shibis, Boondheere iyo Kaaraan, waxaana dagaalkaas la isugua deegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dad ku dhaqan Degmooyinkaas oo qaarkood aan la xiriirnay ay noo sheegeen in ay saaka maqlayeen dhawaqa nooc cusub oo madaafiic ah.
Dagaalka ayaa wuxuu sii xoogeystay kaddib markii xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay si aad ah ugu dhawaadeen Xarunta Villa Somalia, waxaana markaas kaddib bilaabatay madaafiic culus oo ay adeegsadeen Ciidamada Amisom oo duqeyntaas kaddib ay cutubyo ka tirsan ka soo baxeen xerooyinkii ay ku jireen.
Ciidamada Amisom oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ay ku jiraan Kaarayaal iyo Beebeyaal ayaa waxaa lagu arkayay nawaaxiga Hotelkii Jubba iyo Baar Fiat, waxayna taasi keentay in ay xoogaggii ka soo horjeeday dowladda ay sameeyaan dib u gurasho ayna ka baxaan Degmooyinka Shibis, Kaaraan iyo Boondheere qeybo ay kaga sugnaayeen.
Xaafadaha Beyxaani, Nasiibuundo illaa Isgoyska Sanca oo ay maalmihii tegay ku sugnaayeen Xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda ayaa waxaa saaka lagu arkayaa Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.
Hayeeshee lama oga in Ciidamada Dowladda ay dib uga soo noqon doonaan sidii looga bartay meelaha ay dagaalka ku tagaan iyo in ay ku negaan doonaan, sidoo kalena waxaanan la ogeyn in ay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda ay iyana dib ugu soo noqon doonaan goobihii ay saaka ka baxeen iyo in kale.
Dhinaca Degmada Kaaraanna Wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in nawaaxiga Kawaankii Gowraca ay ku sugan yihiin Xoogagga Dowladda ka soo horjeeda, halka Ciidamada Dowladdana ay ku sugan yihiin meel aan u dheereyn, waxayna dad aan kala xiriirnay Degmada Kaaraan ay noo xaqiijiyeen in dagaalka halkaas ka socda uu yahay mid culus.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya