Dad rayid ah oo ku dhaawacmay Bam xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Maamulka Goballka Hiiraan

Axad, 12, July, 2009 (HOL) Inta la hubo 5 Ruux oo afar ka mid ah ahaayeen dad rayid ah oo ay ku jiraan labo ruux oo dumar ah ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Goballka Hiiraan xili ay ilaalo ka hayeen Buundada lagu magacaabo Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.
 
Qaraxa ka dhashay Bamka lagu weeraray Ciidamada kaddib ayaa waxaa la maqlay rasaas culus oo ay ridyeen Ciidamada Nabad-galyada oo wixii waqtigaa ka danbeeyay siweyn u adkeeyay Ammaanka goobta weerarku ka dhacay, waxaana markiiba loo qaaday dadka ku dhaawacmay weerarka Isbitaalka guud ee Magaalada Beldweyne.
 
Sidoo kale Ciidamada Maamulka Goballka Hiiraan ayaa saakay waaberigii hore waxaa ay ka bilaabeen xaafadaha ku dhaw dhaw Buundada xalay weerarka lagu qaaday howl-galo lagu baadi goobayo shaqsiyaad la tuhunsanaa, waxaana ay Ciidamada Maamulku Saldhiga u kaxeeyeen dhalinyaro dhowr ah oo halkaa Su'aalo lagu weydiinayo.
 
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee khasaaro intaas la eg geestay tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyne 18 Jun ee bishii hore kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 40 ruux oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya Cumar Xaanshi Aadan iyo Safiirkii hore ee Dowladda Soomaaliya u joogay Dalka Itoobiya C/kariin  Faarax Laqanyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]