Wiilkii Seddexaad oo Somali-American ah oo lagu dilay Muqdisho

 Jamal Bana oo Muqdisho lagu dilay
Axad, July 12, 2009(HOL): Wiil kale oo Somali-American ah, isla markaana ku biiray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho kaddib dagaal xooggan oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya  iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qoyska uu wiilkan ka geeriyooday oo lagu magacaabo C/risaaq Biixi ayaa sheegay in ay sawirrada Jamal Bana oo 20 sano jir ah ay ka heleen Bogagga Intertnetka, sidaasna ay ku garwaaqsadeen in wiilkoodii uu Muqdisho ku dhintay.

Saraakiil u hadlay Hay’adda Dembi-baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ay baarayaan sida  ay 20 Dhalinyaro-Somali-American ah oo ku noolaa Magaalooyinka Twin Cities ay ugu biireen ugana dhinac dagaallamayaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sida ay horay u sheegeen oo kale qoysas ay Caruurtooda Soomaaliya aadeen kaddibna ku geeriyoodeen ama lagu la’ yahay waxay sheegtay Jamal Bana hooyadiis in ay raadineysay wiilkeeda ilaa ugu dambeyntii ay aragtay sawirka wiilkeeda oo meyd ah.

C/risaaq Biixi waxaa uu sheegay in hooyada dhashay Jamal ay aqoonsatay markii sawirkiisa la soo geliyay Baraha Internetka, iyadoo markaasina  ay Dowladda Soomaaliya ku sheegeyso in uu yahay Ajnabi u dhashay dalalka Pakistan, Afghanistan iyo Bangaladesh midkood.

“Midab ahaan Soomaalida uma eka Jamal, wuxuuna lahaa maqaar iftiimaya, sidaas darteed ayay Dowladda ugu tilmaantay in uu yahay dagaalyahan ajnabi ah oo ka yimid Afghanistan ama Pakistan”ayuu yiri C/risaaq Biixi oo intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay sawirrada Jamal u qaaday in ay Caalamka tusto in ay dileen dagaalyahan Ajnabi ah.

Wargeyska Fox News oo soo daabacay Qoraalka, isla markaana helay sawirrada meydka Jamal Bana ee ay soo bandhigtay Dowladda Soomaaliya ayaa go’aansaday in uusan sawirrada qaarkood oo gaboodfal muujinaya soo bandhigin. Sawirrada qaarkood ayaa waxay muujinayaan meydka Jamal Bana oo waddooyinka Muqdisho lagu jiid-jiidayo.

Afhayeen u hadlay FBI-da Mareykankana wuxuu sheegay in ay sawirrada ka war qabaan laakin uusan xaqiijin karin ama dafiri karin in sawirrada ay muujinayaan meydka Jamal Bana.

Jamal Bana intii uusan ka tegin Soomaaliya wuxuu darajada waxbarashada ka gaaray Injineer Korontada ah, wuxuuna noqday wiilkii seddexaad oo Somali-American ah oo lagu dilo Soomaaliya isagoo ka dhinac dagaallamaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Horay waxaa  Soomaaliya loogu dilay Burhan Xasan oo si weyn looga qadarin jiray Dugsiga Sare ee Roosevelt ee Minneapols ku yaalla. Burhan waxay Soomaaliya wada tageen Jamal bishii November ee sanadkii hore. Si dhab ah looma oga sida uu dhintay Burhan Xasan, waxaase la sheegaa in uu ku dhacay madfac hoobiye ah ama ay ku dhacday rasaas habow ah.

 C/risaaq Biixi oo u hadlay Qoyska wiilkooda Muqdisho lagu dilay waxaa uu sheegay in dhimashada Jamal ay mas’uul ka tahay Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna taasi ku sababeeyay sida uu u yiri in ay maskaxda ka dhaqeen, kaddibna ay ka dhaadhiciyeen in uu ku biro.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayay ahayd markii  27 jir dhiganayay College ku yaalla Minneapolis oo lagu magacaabo Shirwac Axmed  uu  noqday qofkii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo la yaqaano oo qarax is-miidaamin ah isku dilay, isagoo galaaftay nolosha dad badan oo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya