Maamulka Islaamiga ah ee Kismayo iyo Dadka Ganacsatada ah ee Reer Kismayo oo Dadka Cuuryaamiinta ah ugu deeqay Baaskiillada Dadka Naafada ah

Axad, July 12, 2009(HOL):  Dadka Ganacsatada ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo Maamulka Islaamiga ah  oo Iskaashanaya ayaa Maanta markii ugu horeeysay Baaskiilada dadka Naafada ah ugu deeqay dadka Curyaamiinta ah ee kudhaqan Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

Baaskiilada loo qeybiyay Dadka Naafada ah ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka iyo Ganacsatada sidii loogu gargaari lahaa ama loo caawin lahaa dadkaan Naafada ah oo cid umaqani aysan jirin, kuna nool Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ka agdhow.

Dadkaan Naafada ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa qaar kamid ah waxa ay hore u joogeen gudaha Magaalada Kismaayo, halka inta kalena ay ka yimaadeen Deegaanada ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada kismaayo.

Waxaana ay dadkaan isugu jiraan kuwo ku Naafoobay waxyeeladii kasoo gaartay Dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha Wadanka Soomaaliya, tan iyo Sanadii 1991dii xilligaasi oo ay burburtay xukuumaddii dhexe ee Wadanka Soomaaliya , kuwo ku naafoobay walxaha qarxa oo ay kamid tahay Miinada iyo shilalka Baabuurta.

Afhayeenka Maamulka Kismaayo Sh/Xasan yacquub iyo Gudomiyaha Ganacsatada Sheekh Xasan Awlibaax ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay deeqdaan Baaskiilada ah oo ay gaarsiiyaan dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo

Waxaana ay sheegeen in ay siiwadayaan dadaalkaan ay ugu jiraan  sidii ay ugacan qaban lahaayeen dadka soomaaliyeed ee dhibaataysan

Mana ahan markii ugu horaysay oo ganacsatada reer kismayo iyo maamulka ay iska kaashadaan wax uqabadka shacabka dhibaataysan horaantii sanadkaan ayey ahayd markii ay maamulka iyo ganacsatada si wadajir ah ay ugu gurmadeen dadkii ay abaaruhu ay waxyeeleen xilligaasi oo ay bilaabeen biyo dhaamin loogu gargaarayay dadkii ku tabaleysnaa dhinaca galbeed ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya