Abaabulka Ardayda Jaamacadaha Somaliland iyo aragtidooda doorka ay ku leeyihiin Siyaasadda


Axad, July 12, 2009(HOL): Kulan ay isugu yimaadeen Ardayda Afar Jaamacadood oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd ka-tashiga Dhalinyarada ee Doorka ay ku leeyihiin Siyaasadda dalka iyo bulshada dhexdeeda, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen arday tiro badan oo ka kala socota Jaamacadaha Magaalada qaarkood, waxa soo agaasimay Ardayda Jaamacadaha ADMAS, GOLIS, IHU (Geeska) iyo Jaamacadda HARGEYSA.

Kulankan oo ahaa mid si wacan loo soo agaasimay, ayaa waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Daladda Dhalinyarada SONYO Maxamed Aw-Yuusuf Cali (Culimo) oo si qoto dheer uga hadlay kaalinta dhalinyaradu ku leedahay Bulshada dhexdeeda iyo cabaqadda ka-qaybgalka Siyaasadda ee hor taalla. “Munaasibadahan oo klae waxa soo gadhiisan jiray Odayaal iyo Rag da’ ah, hase ahaatee waxa farxad ah in caawa ay dhalinyaro bedeshay oo ay madasha wada fadhiyaan dhalinyar..Dunida dal marka la qiimaynayo waxa la eegaa Dhalinyaradiisa, haddaad aragto dal dhalinyaradiisii fikiro kale galeen oo ay hurdaan waa umad baaba’aysa.” Ayuu yidhi Culimo, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Daraasad aanu samaynay ayaa waxa lagu ogaaday in Somaliland ay tahay dalka ugu sharciga adag Dunida. Sababtoo ah, Golaha Deegaanka waxa gelaya 30 jir wixii ka wayn, halka Caalamka aan da’ la eegin ee cilmi iyo aqoon loo eego..Rasuulku (CSW) wuxuu Qaaradda dhan ee Eeshiya u diray oo qabsaday wiil yar oo 17 Jir ah, halka inaga maanta aan 30 jirka waxba loo ogolayn.”: waxaanu Mr. Culimo si qoto dheer uga hadlay dhibaatooyinka tahriibta, isla markaana maamul-xumo uu sheegay inay soo taxnayd muddo 40 sanno ku dhaw ay keentay in dhalinyaradu dalka ka tahriibaan. Waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay u diyaar garoobaaan, iskuna kaashadaan sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Mukhtaar Cabdi Jaamac oo ka socday Jaamacadda Hargeysa oo isna halkaa ka hadlay, ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in halka Ardaygu marka uu Jaamacadda dhammeeyo uu tahriib u higsanayo ay Ardayda Jaamacaduhu isu-yimaadaan oo ay ka tashadaan aayahooda, isla markaana qorshe la yimaadaan. “Haddaynu ka dhursugno dad aan inoo jeedin, wax aynu helanaa ma jirto. Waxa layna yidhaahdaa, dhalinyaradu waa Mustaqbalkii berrito oo aan maqlayay ilaa intii aan garaadsaday, balse aynu ogaano oo aynu ku tashano in aynu nahay mustaqbalka maanta.” Ayuu yidhi Mukhtaar.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Sakariye Maxamuud Axmed oo ka socday Jaamacadda Admas,oo isna ku baaqay in dhalinyaradu iskaashadaan, isla markaana ka fikiraan mustaqbalkooda.

Mukhtaar Cumar Cali oo isna ka socday Golis, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Maanta door aynu dalka ku leenahay ma muuqdo, doorkeenuna wuu adag yahay..Niyad-jabka dhalinyarada dalka ka haysta ayaana sabab u ah tahriibka..Sidaa darteed, waa in aynu la nimaadnaa qorshe, midna ogaada oo qof aan Diin lahayni horumar gaadhi maayo.”

Maxamed Cabdilaahi Nuux oo isna ka socday Jaamacadda IHU (Geeska) iyo arday kale, ,kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhalinyarradu door muuqda ku yeeshaan Siyaasadda dalka iyo bulshada dhexdeeda.

Cabdinaasir Yuusuf (Bulxan) oo ka mid ahaa dhalinyaradii halka ka hadashay, ayaa halkaa ka akhriyay Qoraal dheer oo ay Ardaydan iyo dhalinyaradani soo saareen. Kaas oo si qoto dheer uga waramayay sooyaalkii taariikheed ee Waxbarashada Somaliland, Jaamacadaha dalka ka jira iyo sidoo kale kuwa hadda la abaabulayo alkumiddooda.

Qoraalkan ayaa waxa gebogebadii uu gudbinayay baaq shan qodob ka kooban, kuwaas oo kala ah;

-In marnaba aan dib looga noqonayn jiritaanka Qaranimada Somaliland

-In Somaliland ku dhisan tahay, kuna dhisnaato isu-tanaasul.

-In Somaliland aasaaskeedu uyahay nabad, ilaalinteeduna tahay waajib Diini ah.

-In dad iyo dawladba loo hoggaansanaado Shuruucda dalka u yaala oo la xaq-dhawro.

In Ardayda Jaamacaduhu gartaan doorka ay dalka ku leeyihiin, kana joogaan tahriibta.



Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland