Madaafiic khasaare geystay oo lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Xaafado u dhow

Axad, July 12, 2009(HOL): Madaafiic khasaare geysatay ayaa waxaa lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo xaafado u dhow iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Madfac ku dhacay qeybta matoorka shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee saldhigeedu yahay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 5 ruux oo kale, kuwaasi oo dhaawacooda la sheegay in uu aad u darnaa.

Dadkii ku dhaawacmay Madfacaas iyo madaafiic kale oo ku dhacday qeybo kale oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa u soo gurmaday Gaadiidka Ambulance-ta ah, waxaana loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Madaafiic kale oo ku dhacday nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin ayaa iyana lagu soo warramayaa in ay iyana khasaare geysteen, waxayna madaafiicdan ku soo aadayaan iyadoo saaka dagaal xooggan uu magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kaalinayaan kuwa Amisom oo Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

Dhanka kalena, howl-wadeennada Gaadiidka Gurmadka ah ee daabula dadka ku dhaawacma dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay saaka kaliya dhaawac ahaan u qaadeen dad ku dhow 50 ruux, kuwaasi oo ay ka qaadeen degmooyinka Shibis, Kaaraan, C/Casiis, Boondheere iyo kuwo kale oo aagagga dagaallada ka fog.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya