Hay’adda SSWC oo Xuska Maaalinta Mujtamaca Aduunka awgeed Deeq kala duwan gaarsiisay kun Haween barakacayaal ah


Axad, July 12, 2009(HOL): Maanta oo 11-ka July ah kuna began Xuska Maalinta Mujtamaca Aduunka ayaa manta waxaa laga xusay Magaalada muqdisho, iyadoo SSWC ay u qeybisay Munaasabadaasi awgeed Kun Boorso oo ay ku jiraan alaabo kala duwan  Boorsadiiba.

Alabahaasi ku jira Boorsa kasta waxaa ka mid ah: Shaambo, Saliid, Shukumaan Go’ la hugsado,Dhar Dumar iyo alaabo kale oo ay isticmaalaan Haweenka.

Qalabkaasi ay qeybisay Hey’adda SSWC ayaa waxaa laga kala qeybiyay Goobaha ay ka mid yihiin Deegaanka dadka  Muqdisho u barakaceen sida KM13, Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo deegaanka Carbiska.

Qalabkaasi ayay Hey’adda SSWC waxay ku wareejiyeen Gudiyada 4-ta Kaam ee maanta loo qeybiyay Deeqdaasi, iyadoo mas’uuliyiinta Kaamamkaasi ay iyagu gaarsiiyeen dhamaan dadkii loogu tallogalay in la gaarsiiyo agabkaasi.

Ugu horayn Munaasabadaasi Deeqda ah ee lagu gudoonsiinaayay Haweenkaasi waxaa ka hadashay Aamino Cali Axmad oo wakiil ka ahayd Hey’adda SSWC, iyadoo sheegtay in loogu talogalay Deeqdaan haweenka Barakacayaasha ah, maadaama Haweenku ay yihiin kuwo u nugul dhibaatooyinka.

 “Waxaan Munaasabadaan awgeed gaarsiiinay Haween gaaraya qalab kala duwan oo deeq ah, si Haweenku uu anfaco qalabkaasi oo aan ogahay inuu wax wayn u tari doono” ayay tiri Marwo  Aamino Cali Axmad oo sheegtay inay ku soo beegantay qeybinta deeqdaan xilli Aduunka loogu dabaal dagayo Maalinta Mujtamaca Aduunka.

Marwo Aamino Cali Axmad waxay kaloo sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si aad ah u dhibaataysan, waxayna xustay in Haweenka ay dagaalada kala kulmaan qasaaraha ugu badan oo ay ka mid tahay inay mararka qaar ku wayso caruurteeda ama Ninkeeda.

Ugu dambayn waxay u mahadcelisay Marwo sacdiyo sheikh Aadan  oo ka mid ah Gudiyada Kaamamka ee deeqdaasi la gaarsiiyay ayaa waxay u mahadcelisay Hey’adda SSWCiyo Hey’addii  UNFPA oo iyadu u soo marsiisay Hey’adda SSWC.

 “Munaasabadda 11-ka July awgeed waxaan haweenka Soomaaliyeed hawada u marinaayaa  Dhamaan haweenka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo u adeegida haweenka tabaalaysan iyo Caruurta” ayay tiri Marwo Sacdiyo Sheekh Aadan oo sheegtay inay ku fraxsan tahay in Hey’adda SSWC ay qalabkaan soo gaarsiiso Haweenka barakacayaasha ah oo si aad ah ugu baahnaa.

Dhinaca kale deeqdaas manta la gaarsiiyey haweenka barakacayaasha ah ayaa waxaa iska kaashada Hey’addaha SSWC iyo UNFPA.




Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya