Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Cabirka Farta

Arbaco, February 25, 2009(HOL):  Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa maanta waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Xudur ee xarunta u ah Gobolka Bakool.

Xoogagga Al-Shabaab ay degmadaas kula wareegay dagaal ay la galeen ciidamo ka amar qaata Xidlhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo weliba maamulkii Gobollada Bay iyo Bakool, kuwaasi oo markii magaalada looga itaal roonaaday kadib u baxay dhinaca deegaanka Ceel Barde ee isla Gobolka Bakool.

Dagaalka ay Xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa wuxuu geystay dhimashada 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah iyo dhaawac intaas ka sii badan.

Degmada Xudur ayaa waxay ahayd degmadii ugu dambeysay ee ay isku uruursanayeen maamullada Bay iyo Bakool ee ay Dowladdii TFG-da magacawday marka laga soo tago demada Baydhabo oo gacan ku heynteeda ay horay ula soo wareegeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Dagaalka maanta ka dhacay Degmada Xudur ee ay gacan ku heyntiisa kula wareegeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu maamul u sameeyay Gobollada Bay iyo Bakool.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia