Arbaco, February 25, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa sheegay in heshiis hor dhac ah uu dhaxmaray beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Axmed Inji oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Maamulka Islaamiga ah ayaa u sheegay HOL in hishiiska hor dhaca ah ee dhaxmara beelaha ay si wada jir ah uga wada qeyb qaateen Maamulka labada Gobal iyo Odayaasha dhaqanka, isaga oo intaa raaciyay in qodobo dhowr ah leysku afgartay.
'' Dabcan qodobka ugu muhiimsan waa in la dilo qofkii qof kale dila ayuu yiri Axmed Inji oo ay HOL weydiisay qodobada ugu muhiimsan ee leysku afgartay, waxaana uu intaa ku siii daray in deegaanada u dhaxeeya labada Gobal ay joogaan Ciidamo ka tirsan Maxkamaha oo sugaya Nabad-galyada.
Inkastoo Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan uu sheegay in hishiis hor dhac ah laga gaaray colaada u dhaxeysa beelaha kala dega Goballada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe hadana meelaha qaar deegaanada colaadu ka jirto waxaa ka taagan cabsi la xiriirta dilalka ku saleysan aargoosiga qabiil oo ay si gaadmo ah u qaadaan Maleeshiyada labada beelood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia