Baaqyo lagu dalbayo in la joojiyo dagaal ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho oo isa soo taraya

Cabirka Farta

Arbaco, February 25, 2009(HOL):  Waxaa isa soo taraya baaqyo lagu dalbayo in la joojiyo dagaallo shalay oo dhan iyo saaka ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo baaqyadii ugu dambeeyayna ay ka yimaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, Ururka Al-Islaax iyo Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay dagaalka deg deg u joojiyaan, isla markaana ay ogolaadaan in laga hadlayo waxyaabaha la isku hayo.

“Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho dagaallo waa ka soo daaleen, dhibaato dagaalna waxaa ugu filan kuwii ka dhashay dagaalladii dalka ka dhacay, marka waxaan leenahay dagaalka hala joojiyo, fursadna hala siiyo wada hadallada”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Xaad waxaa uu intaas ku daray in ay wax laga xumaado tahay in iyadoo dadkii Muqdisho horay uga barakacay ay soo noqonayeen in hadana mar kale dib loo sii barakiciyo dhibaatooyinna loo geysto.

“Wadaadka Dagaalka ku jira waxaa noo socday wada hadallo, mana fileynin in ay dagaallo qaadaan, marka waxaan leenahay wada hadallada ku soo noqda, dagaalkana joojiya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay socdaan wada hadallo dalkiisa gudahiisa iyo dibaddiisa ka socda oo xal loogu raadinayo mushkiladaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ururka Al-Islaax C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow ayaa isna wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaallada wada in ay dagaalka joojiyaan, ayna ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

“Annaga weligeenba waxaan ku baaqi ku jirnay wada hadal iyo in aan dagaal lagu raadin, hadana waxaan ku baaqeynaa in dagaallada la joojiyo, dadka shacabka ahna loo turo”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Golaha Abwaannada Soomaaliya Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa isna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay dagaallada joojiyaan, “Dadka Muqdisho ma qabato in dagaallo hor leh laga dul rido, isla markaana meyd iyo dhaawac laga dhigo. Waxaan leenahay ciddii wax tabaneysa u mar wada hadal iyo qaab dhiig ku daadaneyin”ayuu yiri Abwaan Guure.

Abwaan Guure waxaa uu intaas ku daray in aaney u muuqan sabab dagaallo kale oo ay uga sii socon karaan Magaalada Muqdisho mar haddii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiya, “Dadka Muqdisho waa dadkii jihaadka la galay Ciidamada Itoobiya, kadib markii Ciidamada Itoobiyaanka baxeenna xaq looguma lahan in dushooda lagu dagaallamo”ayuu mar kale yiri Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia