Arbaco, February 25, 2009(HOL): Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay Dekadda Magaalada Boosaaso ka dhoofiyay makiinad lacagta faalsada ah lagu farsamayn jiray, taasi oo taallay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.
Wasiir ku Xigeenka Dekedaha DGPL Maxamed Ciise Lacle oo shir ku qabtay dekada Boosaaso ayaa qiray in Makiinaddan si qarsoodi ah loogu samayn jiray lacagta Shilin Somali been abuur ah,waxaana uu sheegay in iminka ay dhibaatooyin badan soo kordhisay.
Makiinaddaan ayaa maanta barqanimadii laga dhoofiyay dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana sida la sheegay loo dhoofiyay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta xili ay goob-joog ahaayeen qaar ka mid ah Bulshada Boosaaso.
Wasiirka ku xigeeka oo la waydiiyay waxa intaas oo dhan loo qarinayay makiinaddaan ayaa ka gaabsday in uu faah faahin ka bixiyo, waxaana hadalladiisi ku jiray in la dhimi doono Lacagaha soo gala Puntland.
Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu maamulka cusub qaado tan iyo intii talada uu la wareegay, waxaana tallaabadaan soo dhaweeyay bulshada rayidka ah ee Puntland ku dhaqan.
Dad badan ayaa ilaa iyo hadda shaki ka muujiyay dhoofinta makiinaddaasi, iyagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan in lacago kale oo faalso ah lagu soo farsameeyo meel ka baxsan Gudaha Puntland, gaar ahaan imaaraadka oo ah halka makiinaddaasi loo dhoofiyay.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia